Add parallel Print Page Options

25 Oo sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay,

Read full chapter

Oo sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay, maxaa yeelay, iyagu waxay ku xadgudbeen Rabbiga, oo wuxuu kaxaystay kun iyo laba boqol oo gaadhifaras iyo lixdan kun oo fardooley ah, oo dadkii isaga Masar kala soo baxayna tiro ma ay lahayn, waxayna ahaayeen reer Luubiim iyo reer Sukiyiim iyo reer Itoobiya. Oo isagu wuxuu qabsaday magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalka Yahuudah, oo haddana wuxuu yimid Yeruusaalem. Haddaba Nebi Shemacyaah ayaa u yimid Rexabcaam iyo amiirradii dalka Yahuudah oo Yeruusaalem ugu urursanaa Shiishaq daraaddiis, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waad i dayriseen oo sidaas daraaddeed ayaan gacanta Shiishaq idinkaga tegey. Markaasaa amiirradii dadka Israa'iil iyo boqorkiiba is-hoosaysiiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa xaq. Oo Rabbiguna markuu arkay inay is-hoosaysiiyeen ayaa eraygii Rabbigu u yimid Shemacyaah, wuxuuna ku yidhi, Iyagu way is-hoosaysiiyeen oo taas aawadeed anigu baabbi'in maayo, laakiinse waan samatabbixin doonaa, oo cadhadayduna Yeruusaalem kuma degi doonto iyadoo gacanta Shiishaq ku timid. Habase ahaatee waxay ahaan doonaan addoommadiisa, si ay u ogaadaan adeegiddayda iyo adeegidda boqortooyooyinka waddammadaba. Haddaba sidaas daraaddeed Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar wuxuu ku kacay Yeruusaalem oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorkaba, oo dhammaantood wuu wada qaatay, oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey.

Read full chapter