Add parallel Print Page Options

10 Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa? 11 Kolkaasuu u jawaabay oo iyagii ku yidhi, Kii laba khamiis qabaa, ha siiyo kii aan waxba qabin; kii cunto qabaana, sidaas oo kale ha yeelo. 12 Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa? 13 Isaguna wuxuu ku yidhi, Waxaa laydiin amray wax ka badan ha qaadanina. 14 Markaasaa askarna weyddiisay oo ku tidhi, Annaguna maxaannu samaynaa? Wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna ha dulmina, oo ninna ha masabidina; mushahaaradiinnana raalli ku ahaada.

Read full chapter