The Daily Audio Bible
Today's audio is from the NIV. Switch to the NIV to read along with the audio.
40 Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa?
Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
3 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
4 Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa?
Afkaan gacanta saarayaa.
5 Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo,
Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.
6 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
7 Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
8 War ma xukunkaygaad burinaysaa?
Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
9 Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale?
Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo,
Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi,
Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii,
Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
13 Dhammaantood ciidda ku qari,
Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
14 Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa
In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
15 Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale,
Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
16 Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda,
Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.
17 Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale,
Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.
18 Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah;
Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
19 Iyadu jidadka Ilaah waa u madax,
Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
20 Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya
Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
21 Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan,
Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.
22 Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya,
Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.
23 Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto,
In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.
24 Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda?
Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?
41 War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun
ku soo bixin kartaa?
Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
2 Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa?
Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
3 Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa?
Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?
4 Ma axdi buu kula dhigan doonaa,
Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?
5 Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale?
Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?
6 Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan?
Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?
7 Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa?
Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
8 Gacantaada isaga kor saar,
Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
9 Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh,
Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?
10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo,
Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa?
Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
12 Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa,
Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.
13 Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara?
Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?
14 Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara?
Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.
15 Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro,
Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.
16 Midba midda kale way ku dhow dahay,
Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.
17 Middoodba midda kale way haysataa,
Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.
18 Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin,
Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.
19 Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya,
Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.
20 Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa
Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.
21 Neeftiisu dhuxulay shiddaa,
Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.
22 Luquntiisu xoog bay leedahay,
Oo cabsina hortiisay ku booddaa.
23 Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin,
Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.
24 Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale,
Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.
25 Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan,
Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.
26 In kastoo lagula kaco seef,
Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.
27 Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale,
Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.
28 Fallaadhu isaga ma eryi karto,
Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.
29 Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale,
Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.
30 Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan,
Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.
31 Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale,
Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.
32 Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo,
Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.
33 Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale,
Oo cabsila'aan la abuuray.
34 Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan,
Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.
Ayuub
42 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 Waan ogahay inaad wax walba kartid,
Iyo inaan qasdigaaga innaba la joojin karin.
3 Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa?
Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn,
Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.
4 Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee,
Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.
5 Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay,
Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,
6 Sidaas daraaddeed waan isnacayaa,
Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
Dhammaadkii Ayuub
7 Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 8 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 9 Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay. 10 Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood. 11 Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah. 12 Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood. 13 Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood. 14 Oo middii kowaad magaceedii wuxuu u bixiyey Yemiimaah, tii labaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qasicaah, tii saddexaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qeren Hafuug. 15 Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey. 16 Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah. 17 Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.
Jacaylka Masiixa Ayaa Na qasba
11 Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno. 12 Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin. 13 Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin. 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
Nolosha Cusub
16 Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno. 17 Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene. 18 Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada, 19 taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.
Wacdinta Heshiisiiska
20 Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.
45 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
2 Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
3 Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow,
Oo quruxda iyo haybadda lahow.
4 Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood,
Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan,
Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
5 Fallaadhahaagu waa af badan yihiin,
Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa,
Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
6 Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
7 Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
8 Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
9 Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
14 Naago qalaad afkoodu waa god dheer,
Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya