Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

The Daily Audio Bible

This reading plan is provided by Brian Hardin from Daily Audio Bible.
Duration: 731 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baxniintii 13:17-15:18

Ka Gudubkii Badda

17 Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan. 18 Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita. 19 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday lafihii Yuusuf; waayo, Yuusuf aad buu ugu dhaartay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa; ee lafahayga waa inaad halkan ka qaaddaan. 20 Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda. 21 Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba. 22 Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.

14 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, La hadal reer binu Israa'iil oo u sheeg inay dib u soo noqdaan oo ay degaan meel ka horraysa Fiihaahiirod, oo u dhaxaysa Migdol iyo badda, kana horraysa Bacal Sefoon. Horteeda oo meel badda agteeda ah waa inaad degtaan. Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii. Oo anna waxaan qallafin doonaa Fircoon qalbigiisa, oo isna wuu soo raacdaysan doonaa iyaga; markaasaan Fircoon iyo ciidankiisaba ciso ka heli doonaa; Masriyiintuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga. Oo iyana sidii bay yeeleen. Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen? Markaasuu wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo wuxuu watay dadkiisii; Oo wuxuu kaxaystay lix boqol oo gaadhifaras ah oo la doortay, iyo gaadhifardoodkii Masar oo dhan, iyo saraakiil u sarraysa kulligood. Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa. Markaasaa Masriyiintii iyagii raacdaysteen. Kulli Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo fardooleydiisii, iyo ciidankiisii ayaa raacdeeyey, oo waxay gaadheen iyagoo deggan meel badda u dhow, oo Fiihaahiirod dhinaceeda ah, kana horraysa Bacal Sefoon. 10 Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday. 11 Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay? 12 Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn. 13 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan. 14 Oo Rabbigu aawadiin buu u diriri doonaa, oo idinku waa inaad iska aamusnaataan.

15 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, War maxaad iigu qaylinaysaa? Reer binu Israa'iil u sheeg inay hore u socdaan. 16 Oo adigu ushaada kor u qaad, oo gacanta badda ku kor fidi, oo kala goo; oo reer binu Israa'iil waxay mari doonaan badda dhexdeeda oo ay ku socon doonaan dhul engegan. 17 Oo bal ogow, anigu waxaan qallafin doonaa qalbiga Masriyiinta, oo iyagay daba geli doonaan; oo markaasaan ciso ka heli doonaa Fircoon, iyo ciidankiisa oo dhan, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa. 18 Oo Masriyiintu markaasay garan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, kolkii aan sharaf ka helo Fircoon, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa. 19 Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii; 20 oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale. 21 Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een. 22 Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 23 Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan. 24 Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta. 25 Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.

26 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda. 27 Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii. 28 Markaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin. 29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 30 Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal. 31 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.

Gabaygii Muuse Iyo Maryan

15 Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen,

Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay;
Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda.
Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga;
Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.
Rabbigu waa dagaalyahan,
Magiciisuna waa Rabbi.
Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda,
Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.
Oo waxaa iyagii qariyey moolkii,
Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.
Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay,
Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.
Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca.
Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.
Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen,
Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo;
Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda.
Oo cadowgii wuxuu yidhi,
Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa.
Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga;
Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.
10 Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii;
Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.
11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda?
Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh,
Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
12 Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay,
Markaasaa dhulku liqay iyagii.
13 Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay.
Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah.
14 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen.
Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.
15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen;
Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay.
Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.
16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii.
Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen,
Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow,
Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
17 Iyaga gudahaad soo gelin doontaa, oo waxaad ku beeri doontaa buurta dhaxalkaaga,
Taasoo ah meesha aad u samaysatay inaad degganaatid, Rabbiyow,
Waana meesha quduuska ah oo gacmahaagu diyaariyeen.
18 Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.

Matayos 21:23-46

Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey(A)

23 Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey? 24 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Masaalka Ku Saabsan Labada Wiil

28 Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.

Masaalka Ku Saabsan Beerta Canabka Ah(B)

33 Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey. 34 Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan. 35 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen. 36 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen. 37 Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee. 39 Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. 40 Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa? 41 Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda. 42 Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin,

Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Wuxuu noqday madaxa rukunka.
Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga?

43 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya. 44 Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.

45 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii goortay masaalladiisii maqleen waxay garteen inuu iyagu ka hadlay. 46 Goortay dooneen inay qabtaan ayay dadkii badnaa ka baqeen, waayo, waxay u haysteen nebi.

Sabuurradii 26

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

Maahmaahyadii 6:16-19

16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay,
Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega,
Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
18 Qalbi male shar ah hindisa,
Iyo cago xumaan ku degdega,
19 Markhaati been ah oo been sheega,
Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya