Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

The Daily Audio Bible

This reading plan is provided by Brian Hardin from Daily Audio Bible.
Duration: 731 days

Today's audio is from the NIV. Switch to the NIV to read along with the audio.

Somali Bible (SOM)
Version
Baxniintii 37-38

Sanduuqii Axdiga

37 Oo Besaleel wuxuu sanduuqii ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh. Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. Kolkaasuu wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah oo afartiisa rukun ee hoose ku yaal; oo laba siddoba dhinac buu kaga dhejiyey, dhinaca kalena laba siddo buu kaga dhejiyey. Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay. Markaasuu ulihii wuxuu geliyey siddooyinkii sanduuqa dhinacyadiisa ku yiil, si sanduuqa loogu qaado. Markaasuu wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey dabool, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh. Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay. Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad. Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

Miiska

10 Miiskana qori qudhac ah ayuu ka sameeyey, oo dhererkiisu wuxuu ahaa laba dhudhun, ballaadhkiisuna dhudhun, sarajooggiisuna dhudhun iyo badh, 11 oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 12 Oo wuxuu u yeelay qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan, oo qarkiina wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan. 13 Oo wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah, oo wuxuu siddooyinkii ku dhejiyey afarta gees oo afarta rukun oo hoose kaga yiil. 14 Oo siddooyinku waxay ku dhowaayeen qarka, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado. 15 Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado. 16 Oo wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey alaabtii miiska saarnayd oo dhan oo ahayd suxuuntiisii, iyo malqacadihiisii, iyo maddiibadihiisii, iyo kidhliyadiisii wax laga shubo.

Laambaddii Dahabka Ahayd

17 Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen. 18 Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen. 19 Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen. 20 Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii, 21 oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.

22 Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah. 23 Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba. 24 Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.

Meesha Fooxa Lagu Shido

25 Oo meeshii allabariga ee fooxana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, oo afar geesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa laba dhudhun, oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen. 26 Oo wuxuu dahab ku dahaadhay dusheedii iyo dhinacyadeedii ku wareegsanaa, iyo geesaheedii, oo wuxuu u sameeyey wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 27 Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa. 28 Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay. 29 Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.

Meesha Allabariga Lagu Gubo

38 Oo meeshii allabariga lagu gubi lahaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, afargeesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun. Oo geesaheediina wuxuu ugu sameeyey afarteeda rukun; oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen, naxaas buuna ku dahaadhay. Oo wuxuu kaloo sameeyey alaabtii meesha allabariga oo dhan, kuwaasoo ah dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii, iyo mudacyadii, iyo dabqaadayaashii; oo alaabteeda oo dhan wuxuu ka sameeyey naxaas. Oo wuxuu meeshii allabariga u sameeyey shabag naxaas ah oo gaadha qarka hoostiisa ilaa kalabadhka. Afarta daraf oo shabaggii naxaasta ahaa ayuu u yeelay afar siddo si ay u ahaadaan meelihii ulaha laga gelin lahaa. Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay. Oo ulihiina wuxuu ka geliyey siddooyinkii meesha allabariga si loogu qaado; oo wuxuu meeshii allabariga ka sameeyey looxyo sida sanduuq madhan oo kale.

Berkeddii Weysada

Oo berkeddii weysada iyo salkeedii wuxuu ka sameeyey naxaas, taasoo laga helay muraayadihii dumarka ka adeegi jiray teendhada shirka iriddeeda.

Barxadda Taambuugga

Oo wuxuu sameeyey barxaddii; oo barxadda xaggeeda koonfureed waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay boqol dhudhun oo ah maro wanaagsan. 10 Oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag. 11 Oo xaggeeda woqooyina waxaa ka lushay daahyo boqol dhudhun ah, oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag. 12 Oo dhinaca galbeed daahyadiisu waxay ahaayeen konton dhudhun, tiirarkoodu waxay ahaayeen toban, saldhigyadooduna toban, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag. 13 Oo xagga bari daahyadiisuna waxay ahaayeen konton dhudhun. 14 Oo iridda daahyadeedu dhinac waxay ka ahaayeen shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna saddex bay ahaayeen, saldhigyadooduna saddex, 15 oo dhinaca kalena sidaas oo kalay ahaayeen, oo barxadda iriddeeda xaggan iyo xaggaasba waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna waxay ahaayeen saddex, saldhigyadooduna saddex. 16 Daahyadii barxadda ku wareegsanaa oo dhammu waxay ahaayeen maro wanaagsan. 17 Oo tiirarka saldhigyadoodu waxay ahaayeen naxaas; qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag; tiirarka madaxyadooda waxaa lagu dahaadhay lacag, oo tiirarka barxadda oo dhanna waxaa laysugu wada xidhay lacag. 18 Oo daaha barxadda iriddeeda wuxuu ahaa wax daabacan oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun oo u dhigma barxadda daahyadeeda. 19 Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag. 20 Oo musmaarrada taambuugga iyo barxadda ku wareegsanba kulligood waxay ahaayeen naxaas.

Moodkii La Isticmaalo

21 Waa tan tiradii alaabtii taambuugga, kaas oo ah taambuuggii maragga, markii la tiriyey sidii Muuse ku amray adeegidda reer Laawi, oo uu tilmaamay Iitaamaar kii wadaadkii Haaruun ahaa dhalay. 22 Oo kulli wixii Rabbigu ku amray Muuse waxaa sameeyey Besaleel oo ahaa ina Uurii oo ahaa ina Xuur, oo qabiilkiisu ahaa Yahuudah. 23 Oo waxaa isaga la jiray Aaholii'aab oo ahaa ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu ahaa Daan, oo wuxuu ahaa mid wax xardha, oo aad iyo aad u farsamo badan, iyo mid yaqaan sida loo daabaco buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

24 Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 25 Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 26 Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin. 27 Oo saldhigyada meesha quduuska ah iyo saldhigyada ilxidhku waxay ka samaysmeen boqolkii talanti oo lacagta ahaa, boqol saldhig baa laga sameeyey boqolkii talanti, saldhigba talanti baa laga sameeyey. 28 Kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatanka sheqel ayuu tiirarka qabsatooyinkoodii ka sameeyey, oo wuxuuna ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii, wuxuuna ka sameeyey waxyaalihii tiirarka laysugu wada xidhay. 29 Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel. 30 Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan, 31 iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.

Matayos 28

Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)

28 Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan. Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay. Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad. Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.

Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay. Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay. Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye. Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan. Kolkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi, Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen. 10 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan.

11 Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan. 12 Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen, 13 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay. 14 Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa. 15 Markaasay lacagtii qaateen oo yeeleen sidii lagu yidhi. Hadalkanu maalintaas ilaa maanta waa ku dhex firdhisanaa Yuhuudda.

Ciise Wuxuu Galili Ugu Muuqday Koob Iyo Tobankii Xertiisa Ahaa

16 Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay. 17 Oo goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey. 18 Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey. 19 Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa, 20 oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.

Sabuurradii 34:11-22

11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta,
Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel,
Oo cimriga dheer doonayaa,
Si uu wanaag u arko?
13 Carrabkaaga shar ka jooji,
Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee,
Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya
Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan,
Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin,
Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan,
Oo middoodna ma jabna.
21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh,
Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa,
Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.

Maahmaahyadii 9:9-10

Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa.
Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
10 Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda,
Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya