Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

The Daily Audio Bible

This reading plan is provided by Brian Hardin from Daily Audio Bible.
Duration: 731 days

Today's audio is from the NIV. Switch to the NIV to read along with the audio.

Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 3-4

Aadan Iyo Xaawa Oo Dembaabay

Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal? Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa; laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine. Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan; waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta. Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay. Oo labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen. Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda. Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa? 10 Isagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey. 11 Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin? 12 Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay. 13 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.

14 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan: 15 oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa. 16 Naagtiina wuxuu ku yidhi, Dhibtaada iyo wallacaaga aad baan u badin doonaa; oo dhib baad carruur ku dhali doontaa; oo waxay doonistaadu ahaan doontaa ninkaaga, wuuna kuu talin doonaa. 17 Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa. 18 Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka. 19 Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa. 20 Ninkiina wuxuu naagtiisii u bixiyey Xaawa, maxaa yeelay, waxay ahayd hooyadii waxa nool oo dhan. 21 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii.

22 Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa: 23 sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday. 24 Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.

Qaabiil Iyo Haabiil

Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa. Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale. Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka. Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii; laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday. Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday? Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga. Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii. Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa? 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye. 11 Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo. 12 Kolkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega. 13 Qaabiilna wuxuu Rabbiga ku yidhi, Taqsiirtaydu waa ka sii badan tahay wax aan qaadi karo. 14 Bal eeg, maanta dhulkaad iga eriday, wejigaagana waan ka qarsoonaan doonaa, waxaanan dhulka ku noqon doonaa mid carcarara oo warwareega; waxaana dhici doonta in kii i arkaaba i dili doono. 15 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin. 16 Qaabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.

17 Qaabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enoog. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enoog. 18 Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg. 19 Lamegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah. 20 Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh. 21 Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca. 22 Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah. 23 Lamegna wuxuu naagihiisii ku yidhi:

Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla;
Lameg naagihiisow, hadalkayga dhegaysta;
Nin baan u dilay dhaawicid uu i dhaawacay aawadeed,
Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed.
24 Haddii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa,
Runtii Lameg waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aar gutaa.

25 Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii. 26 Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.

Matayos 2:13-3:6

Cararkii Xagga Masar

13 Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo. 14 Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey, 15 oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.

Layntii Herodos Uu Carruurtii Beytlaxam Laayay

16 Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday. 17 Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

18 Cod baa Raamaah laga maqlay,
Oohin iyo baroor weyn,
Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda,
Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.

Ka Soo Noqodkii Xagga Masar

19 Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh, 20 Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen. 21 Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey. 22 Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday. 23 Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

Yooxanaa Baabtiisaha Iyo Farriintii Uu Waday(A)

Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh, Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi,

Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya,
Jidka Rabbiga hagaajiya,
Waddooyinkiisa toosiya.

Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed. Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan, markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

Sabuurradii 2

Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan,
Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin,
Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan
Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Silsiladahooda aan gooyno
Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa,
Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa,
Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey
Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa,
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah,
Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha,
Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega,
Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane.
Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa.
Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

Maahmaahyadii 1:7-9

Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa;
Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

Guubaabinta Xigmadda

Ka-digidda Soo Jiidashada Xun

Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan,
Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya