The Daily Audio Bible
Today's audio is from the NLT. Switch to the NLT to read along with the audio.
17 Markaasaa Fircoon Yuusuf la hadlay, oo yidhi, Waxaan riyadaydii ku arkay anigoo webiga qarkiisa taagan; 18 oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo buurbuuran oo quruxsan oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa; 19 oo waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sac oo kale, oo taagdaran oo fool xun oo weyd ah. Weligay dhulka Masar oo dhan kuma aan arag kuwa sidooda u xun. 20 Markaasaa sicihii weydda ahaa oo foosha xumaa waxay cuneen toddobadii sac oo hore. 21 Oo markay cuneen lagama garan karin inay cuneen, laakiinse waxay u fool xumaayeen sidii markii hore. Markaasaan toosay. 22 Oo waxaan kaloo riyadaydii ku arkay toddoba sabuul oo iltiran oo wanaagsan, oo ka soo baxay isku jirid; 23 dabadeedna waxaa ka soo daba baxay toddoba sabuul oo engegan oo xunxun oo dabayshii bari qallajisay. 24 Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo wanaagsanayd; markaasaan u sheegay saaxiriinta, laakiinse ma uu jirin mid ii sheegi karay. 25 Oo Yuusuf wuxuu ku yidhi Fircoon, Riyadaadu waa mid, oo waxa Ilaah samaynayo ayuu kuu sheegay, Fircoonow. 26 Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanuna waa toddoba sannadood; riyadu waa mid. 27 Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah. 28 Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay. 29 Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah, 30 oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa, 31 barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun. 32 Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa. 33 Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan. 34 Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen. 35 Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen. 36 Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in. 37 Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba. 38 Markaasaa Fircoon wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Miyaynu heli karaynaa mid la mid ah kan, oo ah nin Ruuxa Ilaah ku jiro? 39 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh. 40 Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa.
Yuusuf Oo Ka Sarreeyey Masar
41 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey. 42 Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay; 43 oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan. 44 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan. 45 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray. 46 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan. 47 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd waxaa dhulkii ka soo baxay wax aad u badan. 48 Markaasuu ururiyey cuntadii toddobadii sannadood baxday oo dalka Masar oo dhan tiil, oo cuntadii wuxuu ku kaydiyey magaalooyinka. Cuntadii beerihii ku wareegsanaa magaalo kastana isku meel buu ku kaydiyey. 49 Markaasaa Yuusuf hadhuudh aad u badan wuxuu u kaydiyey sida cammuudda badda, ilaa uu tirintii daayay, maxaa yeelay, waxay ahayd wax aan tiro lahayn. 50 Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. 51 Markaasaa Yuusuf wuxuu curadkii magiciisii u bixiyey Manaseh; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa i illowsiiyey dhibaatadaydii oo dhan, iyo gurigii aabbahay oo dhan. 52 Kii labaadna magiciisii wuxuu u bixiyey Efrayim. Waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa igu badiyey dalkii aan ku dhibtooday. 53 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen. 54 Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay. 55 Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela. 56 Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar. 57 Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.
Yuusuf Walaalihiis Oo Masar Aaday
42 Haddaba Yacquub wuxuu arkay in hadhuudh laga helo Masar, markaasuu Yacquub wiilashiisii ku yidhi, War maxaa midkiinba midka kale u fiirinayaa? 2 Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin. 3 Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan. 4 Laakiinse Benyaamiin oo ahaa Yuusuf walaalkiis Yacquub ma uu raacinin walaalihiis; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo belaayo ku dhacdaa. 5 Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday. 6 Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen. 7 Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno. 8 Yuusufna wuu gartay walaalihiis laakiinse iyagu ma ay garan isagii. 9 Markaasaa Yuusuf xusuustay riyooyinkii iyaga ku saabsanaa oo uu ku riyooday, oo wuxuu ku yidhi iyagii, Basaasyaad tihiin, oo waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa. 10 Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno. 11 Kulligayo isku nin wiilashiis baannu nahay, oo waxaannu nahay niman daacad ah, oo annagoo addoommadaada ah basaasyo ma nihin. 12 Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Maya, laakiinse waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa. 13 Iyana waxay yidhaahdeen, Annagoo ah addoommadaada waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo waxaannu nahay nin jooga dalka Kancaan wiilashiisii; oo bal eeg, kii noogu yaraa wuxuu maanta la joogaa aabbahayo, midna maba joogo. 14 Markaasuu Yuusuf iyagii ku yidhi, Taasu waa tii aan idinkula hadlay, anigoo leh, Basaasyaad tihiin. 15 Haddaba tan baa laydinku tijaabin doonaa; nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaydaan halkan ka tegi doonin, in walaalkiinnii yaraa halkan yimaado mooyaane. 16 Mid idinka mid ah dira, oo ha keeno walaalkiin, idinkuna waad xidhnaan doontaan, in la tijaabiyo hadalkiinna, bal inay runi idinku jirto iyo in kale, haddii kalese hubaal nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaad basaasyo tihiin. 17 Markaasuu kulligood muddo saddex maalmood ah wada xabbisay.
Masaalka Ku Saabsan Gocondhada
24 Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray. 25 Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey. 26 Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay. 27 Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid? 28 Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno? 29 Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan. 30 Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.
Masaalka Ku Saabsan Iniin Khardal Ah, Iyo Masaalka Ku Saabsan Khamiir(A)
31 Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray. 32 Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.
33 Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
34 Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga. 35 Si ay u noqoto wixii nebiga lagaga dhex hadlay isagoo leh,
Afkayga waxaan ku furayaa masaallo,
Oo wax qarsoonna tan iyo aasaaskii dunida ayaan ku dhawaaqayaa.
Micnaynta Masaalka Gocondhada Ku Saabsan
36 Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xertiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaalkii gocondhadii beerta. 37 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha, 38 beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh. 39 Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo. 40 Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. 41 Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala. 42 Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 43 Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.
Masaallada Ku Saabsan Maalka Iyo Luulka Iyo Shabagga
44 Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.
45 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya. 46 Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.
Kanu waa sabuur addoonkii Rabbiga oo Daa'uud ahaa u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo wuxuu Rabbiga kula hadlay erayada gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba, oo wuxuu yidhi,
18 Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa,
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
3 Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
4 Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
5 Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool,
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
6 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Oo waxaan u qayshaday Ilaahay,
Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
7 Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray,
Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay,
Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
8 Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq,
Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
9 Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay,
Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
10 Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay,
Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
11 Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan,
Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
12 Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen,
Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
13 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka,
Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii,
Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
14 Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii,
Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
15 Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed
Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen,
Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
Xigmaddu Waa Sarraysaa
4 Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla,
Oo u jeesta inaad wax garataan.
2 Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan,
Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
3 Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil,
Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
4 Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi,
Qalbigaagu erayadayda ha xajisto;
Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
5 Xigmadda doono, waxgarashadana doono;
Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
6 Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa.
Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya